Garanwaaga/Cali-garoob waxaa markii ugu horreysay horraantii 1950-naadkii Soomaaliya soo geliyey aagga tuulada Bullaxaar oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed ee galbeedka Berbera nin dhir-beere ahaa oo Ingiriis ah oo lagu magacaabi jirey Mr. Dawson oo ka shaqaynayey mashruuc dhirayn ah, si loola dagaallamo nabaad-guurka, dabeylo siigada ah iyo dhaqdhaqaaqa ciid bacaadka ah (Ahmed Ibrahim Awale & Sugulle, A. Jama, Faafidda Prosopis juliflora ee Somaliland, (2006), Candlelight). Mar kale oo dambe 1970-naadkii iyo 1980-naadkii ayaa Ururada Caalamiga ah waxay soo geliyeen xeryo qaxooti oo ku yaalay Agabar, Laas Dhuurre, Biyo xidheenka (Hargeysa), Saba-cad oo u dhow Dacar-Budhuq iyo Daray-macaan oo ku taal gobolka Awdal.